QEYBAHA XISBIGA
QEYBTA HAWEENKA
Hogaanka gender-ka iyo haweenka xisbiga daryeel qaran wuxuu tixgelinayaa haweenka soomaaliyeed inay kaalintooda ka qaataan socodsiinta hawlaha iyo maamulka xisbiga iyo udhiibida dumarka kaalimaha waaweyn ee dhinaca hogaanka siyaasada iyo maamulka dalka
QEYBTA DHALINYARADA
Hogaanka Dhalinyarada xisbiga daryeel qaran wuxuu kaalin firfircoon ku leeyahay habsami usocodka hawlaha xisbiga wuxuuna qabanaya dhamaan hawlaha iyo shaqooyinka xisbiga intooda badan.
Xisbiga daryeel qaran wuxuu muhiimada koowaad siinayaa dhalinyarada soomaaliyeed ee wax ku baratey dalka soomaaliya gudihiisa si ay u dhisaan dalkooda, wuxuuna fursadaha aysan qaban karin uga faa-iideynayaan qurba-joogta soomaaliyeed ee dibeda kunool.
HOGAANKA DHAQANKA
Xisbiga daryeel qaran wuxuu sameynayaa dibu-heshiisiin qaran iyo nabadeyn, isagoo xooga saaraya abuurida jawi is-aaminaad iyo kalsooni dhisida dhamaan bulshooyinka deegaanada soomaaliyeed, wuxuuna xisbiga fulinayaa qorshayaal mucayin ah oo ku saabsan isku xirka, abaabulka iyo wada shaqeynta hogaanka dhaqanka soomaaliyeed.
Xisbiga daryeel qaran wuxuu xoojinayaa awoodaha hogaanka dhaqanka sida boqorada, ugaasyada, salaadiinta, isimada, malaaqyada, nabadoonada iyo beel-daajayaasha soomaaliyeed, wuxuuna usameynayaa miisaaniyad gaar ah oo lagu xoojiyo nabadeynta iyo dibu- heshiisiinta.
QEYBTA QURBA JOOGTA
Qurba joogtu waa udub dhexaadka isku-xirka hawlaha xisbiga, waxay abaabulayaan kulamo dhaqaale aruurin, xaflado soo dhaweyn, safaro lagu taageerayo danaha xisbiga,
Xisbiga wuxuu ku yeelanayaa wakiilo loo magacaabayo dhamaan dalalka caalamka inta awoodiisa ah, kuwaas oo ay ku matali doonaan aqoonyahano isugu jira rag iyo dumar, iyagoo wakiil uga noqon doona xisbiga dalka ay joogaan.
WAKIILADA QURBAHA
AFRICA
Kenya
Ethiopia
South Africa
AMERICA/USA
- Minnesota
- Washington
- New York
- Boston
- Florida
- Columbus
EUROPE
- Germany
- Finland
- Denmark
- Sweden
- Norway
- Belgium
- Netherland
- France
AUSTRALIA
Brisbane
Sydney
CANADA
- Vancouver
- Edmonton
- Winnipeg
- Toronto
- Ottawa
- Calgary
ASIA
- Saudi Arabia
- Qatar
- UAE
- Kuwait
- Oman