DASTUURKA XISBIGA

Xisbiga Daryeel Qaran wuxuu aamisan yahay in Dastuurka KMG uu yahay sharciga ugu sarreeya ee dalka.

Xisbiga daryeel qaran (DNP) wuxuu leeyahay dastuur qeexaya aragtida, qiyamka, mabaadiida aas-aasiga, ujeedooyinka iyo nidaamdka dhismaha iyo maamulka xisbaga, hadaba waxaad halkaan ka dagsan kartaa dastuurka xisbiga daryeel qaran oo faahfaahsan.

HALKAN KA FURO DASTUURKA XISBIGA

Xisbiga daryeel qaran wuxuu rumeysan yahay in dastuurku uu baahan yahay dibu eegis qoto-dheer iyo turxaan bixin, iyadoo loo marayo wadatashi iyo is-qancin ay dhamaan qeybaha bulsahda talo kuleeyihiin si uu u noqdo dastuur heshiis lagu yahay

Xsibiga Daryeel Qaran wuxuu aaminsan yahay in dhamaan qodobada isburinaya ee kujira dastuurka kumeelgaarka ah la siiyo tixgelin gaar ah si loo toosiyo habraaca shuruucda qaranka.

Qodobbada u baahan in tixgalin gaar ah la siiyo

  1. Is-waafajinta dastuurka qaranka iyo dastuurrada Dowlad-Goboleedyada
  2. Kala soocidda awoodaha Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha
  3. Awood qaybsiga dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada
  4. Qaybsiga khayraadka dabiiciga  iyo dakhliga
  5. Wada shaqeynta laamaha amniga ee Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada
  6. Wada shaqeynta garsoorka Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada
  7. Maqaamka Caasimadda Muqdisho
  8. Qeexidda shuruudaha muwaadinnimada
  9. Qeexida shuruucda wada shaqeynta labada gole ee baarlamaanka iyo aqalka sare