1) GUDDOOMIYAHA XISBIGA 

1. Guddoomiyaha xisbiga waxa dooranaya Shirwaynha xisbiga. 

2. Guddoomiyaha waa madaxa xisbiga, waxaanu guddoominayaa shirwaynaha iyo fadhiyada Golaha Dhexe. 

3. Wuxuu masuul ka yahay diyaarinta hindise hogaamineed ka, qorshaha istiraatiijiga ah ee lagu balaarinayo taageerayaasha xisbiga heer federaal, gobol, degmooyin iyo laamo. 

4. Wuxuu baadi goobayaa taageerada maadiga iyo tan macnawiga ah ee Xisbiga

5. Wuxuu bidhaaminayaa aragtida fog iyo hiigsiga Xisbiga, wuxuuna Saxiixaa Qoraalada Rasmiga ah ee Xisbiga. 

6. Waxa uu magaca xisbiga ku saxeexi karaa heshiisysada dhexmara xisbiga iyo xisbiyada kale ka dib markay Gudiga Fulintu ku ogolaato cod haldheeriya dabadeed waxaa la hor keenayaa fadhiga ugu horeeya ee Galaha Dexe. 

7. Wuxuu ku hadlaa magaca xisbiga kagana qayb gali karaa shirarka gudaha iyo dibada isaga/iyada oo aan ku xadgudbayn xeerka iyo barnaamijka xisbiga. 

2) SHURUUDAHA GUDDOOMIYAHA XISBIGA 

1. Qof kasta oo u tartamaya jagada guddoomiyaha xisbiga waa in uu buuxiyaa shuruudahan: a. In uu yahay xubin xisbiga ka tirsan islamarkaana buuxiya shuruudaha xubinimo 

b. In aan da’diisu ka yarayn 30 sano. 

c. In aqoontiisu gaadhsiisan tahay heer Jaamacadeed 

d. In uu Xisbiga ka tirsanadaa ugu yaraan labo sano 

2. Qofna looma dooran karo guddoomiyaha xisbiga wax ka badan sedex jeer. 

3. Jagada guddoomiyaha waxa ay ku banaanaan kartaa: 

a. Hadii guddoomiyaha kutimaado geeri. 

b. Hadii aay burto mid ka mid ah shuruudihii lagu soo doortay iyada oo aay ka go’aan gaarayaan 2/3 xubnaha Golaha dhexe 

c. Hadii uu iscasilo islamarkaana uu golaha dhexena ka aqbalo 2/3 meel, ama xilka looga qaado si xeerkan waafaqsan 

3) GUDDOOMIYE KUXIGEENKA XISBIGA 

1. Xisbigu waxa uu yeelanayaa Gudoomiye ku xigeen waxaana dooranaya shirweynaha. 

2. Shuruudaha Gudoomiye-ku-xigeenka waxa aay la mid yihiin kuwa Gudoomiyaha 

3. Wuxuu qabanayaan hawlkasta oo uu u igmado gudoomiyaha xisbig waxaanay ka caawinayaan socodsiinta hawlaha xisbiga. 

4. Marka uu maqan yahay gudoomiyuhu waxa uu hawshiisa u sii igmanayaa gudoomiye ku xigeenka oo fulinaaya hawlihii looga baahnaa oo dhan, hadii isagu uu maqanyahay waxaa hawsha sii qabanaya xogahaya guud. 

4) XOGHAYAHA GUUD EE XISBIGA 

1. Xoghayaha Guud ee xisbiga iyo ku xigeenkiisa waxaa dooranaya shirweynaha. 

2. Xoghayaha guud waxa uu masuul ka yahay socod siinta maamulka xisbiga guud ahaan. 

3. Waxa uu diyaarinayaa qoraalada warbixinada miisaaniyada ajandayaasha lagaga doodayo fadhiyada G/fulinta, G/dhexe iyo shirwaynaha. 

4. Xoghayaha guud waxa uu masuul ka yahay daba-galka fulinta go’aamada la ansixiyay iyo hirgalinta barnaamijyada siyaasada, isaga oo la kaashanaya xoghayaha ka muusalka ah hawshaas. 

5. Xoghayaha guud waxa uu maamulayaa shaqaalaha xisaabaadka isla markaana waxa uu habaynayaa oo uu kaydinayaa dukumentiga xisbiga, waxaana uu diiwaan-gelinayaa oo uu ilaalinayaa hantida xisbiga. 

6. Xoghayaha guud waxa uu madax u yahay xoghayayaasha kale ee Gudiga Fulinta waxaana uu ku kormeerayaa habsami u socodka hawlaha ay ka masuulka yihiin. 

7. Xoghayaha guud waxa uu qabanayaa hawshii kale ee uu u xilsaaro guddoomiyaha xisbiga. 

5) QAAB-DHISMEEDKA HAY’ADAHA HEER QARAN 

1. Shirweynaha guud ee xisbiga 

2. Golaha dhexe ee xisbiga 

3. Golaha fulinta ee xisbiga 

Dastuurka xisbiga Daryeel Qaran waxaa lagu aas-aasay shirweynaha qaran oo kulankiisa qabsoomayo ugu yaraan halmar afartii sano. 

Ergooyinka uu ka koobanyahay sirweynaha guud waa ergooyinkan soo socda:- 

1. Xubnaha golaha fulinta ee laamaha xisbiga 

2. Xubnaha golaha dhexe ee laamaha xisbiga 

3. Guddoomiyayaasha deegaanada xisbiga 

4. Golaha dhexe ee xisbiga 

5. Kudlada labada aqal ee heer qaran