1) XUBNAHA GUDIGA FULINTA 

Xubnaha Gudiga fulintu waa hay’ada ugu saraysa socod siinta hawlaha xisbiga, waxaana ay ka kooban yihiin sideed xubnood oo laga soo xulayo golaha dhexe, mudada xilka ee Gudida fulintu waa shan sanadood oo ka bilaabmay maalinta shirwaynahu qabsoomay. 

XILALKA XUBNAHA GUDIGA FULINTA 

Xubnaha golaha fulinta waxay ka koobanyihiin:- 

1. Guddoomiyaha xisbiga 

2. Guddoomiye kuxigeenka 

3. Xoghayaha guud 

4. Xoghayaha arimaha maaliyadda 

5. Xoghayaha arimaha gudaha 

6. Xoghayaha arimaha dibadda 

7. Xoghayaha arimaha haweenka 

8. Xoghayaha arimaha dhalinyarada 

WAAJIBAADKA GUDIDA FULINTA 

1. Horumarinta barnaamijka siyaasadeed, hirgelinta iyo dhaqan gelinta xeerka xisbiga. 

2. Meelmarinta iyo fulinta go’aanada lagu ansixiyay shirwaynaha iyo fadhiyada Golaha Dhexe iyo socod siinta hawlaha Xisbiga. 

3. Isku dubaridka iyo diyaarinta miisaaniyada xisbiga, ajandayaasha la hordhigayo fadhiyada Golaha Dhexe iyo warbixinaha la xiriira wax qabadka Gudiga Fulinta. 

4. Wuxuu ansixinayaa xilalka guddiyada gobollada, degmooyinka, laamaha, xoghayayaasha guddiyada fulinta iyo hawl- wadeenada iyagoo la tashanaya taageerayaasha xisbiga ee deegaankaas. 

5. Wacyi gelinta dadweynaha, abaabulka iyo hirgalinta hadafka siyaasadeed ee xisbiga oo ah ismaamul iyo talo wadaag. 

6. Wuxuu iska xil saarayaa sidii loo horumarin lahaa adeegyada bulshada iyada oo lala kaashanayo kaalmo dibadeed iyo hayadaha samafalka, iyaga oo dhawraya danaha guud, islamarkaana haya’dahaas u fududaynaya helitaanka khubaro waddani ah ama caalami ah. 

7. Waxaa waajib ku ah inay u gutaan si daacadnimo iyo isxilqaan ah hawsha loo xilsaaray, isla markaana dhawraan wada shaqaynta iyo xiriirka xubnaha kale iyo bulshadaba. 

FADHIYADA/KULAMADA GOLAHA FULINTA 

1. Fadhiyada caadiga ah ee Gudiga Fulintu waxay noqonayaan bishiiba mar waxaana shir gudoonka noqonaaya gudoomiyaha xisbiga hadii uu maqanyahayna gudoomiye ku xigeenka, hadii uu maqanyahayna Xoghayaha Guud, hadii ay arin degdeg ah timaado waxaa isugu yeeraya Gudoomiyaha ama in kabadan kala bar xubnaha Gudiga Fulinta 10 cisho gudahood. 

2. Waxay ansixinayaan oo go’aaminayaan xubnaha xisbiga ka galaya golayaasha qaranka iyagoo la tashanaaya xaruma gobolada, degmooyinka iyo laamaha. 

3. Gudida Fulintu waxa uu yeelanayaa gudi joogta ah oo ka kooban 3 xubnood oo ka kooban hogaanka sare ee xisbiga iyo 2 xubnood oo kale oo uu Gudiga iska dhex xulo 

2) AWOODAHA IYO SHAQOOYINKA GUDIGA FULINTA 

1. Kormeerka shaqooyinka maalinlaha ah ee xisbiga 

2. Dhiirigilinta siyaasadaha xisbiga 

3. Ka Caawinta guddiga doorashooyinka, qabashada doorashooyinka iyo magacaabista musharixiinta 

4. Magacaabista gudiyada madaxabanaan, wakiilada doorashooyinka, madalada iyo ururada kale ee xisbiga sida:- 

a. Qorsheeynta ajendaha shirweynaha 

b. Kormeerka Shaqooyinka maalinlaha ah ee shaqaalaha xisbiga 

c. Uruurinta iyo soo bandhigista dhaqaalaha xisbiga 

d. Fulinta howlaha kale ee ay u wakiishaan shirweynaha iyo golaha dhexe ee xisbiga 

HABRAACA DOORASHADA GUDIGA FULINTA/GUNTANKA KULAMADA 

1. Waxaa soo dooranaya xubnaha golaha dhexe ee xisbiga iyadoo lagu saleynaayo halbeega isu dheeli tirka gender-ka iyo aqoonta iyo deegaanka 

2. Shirarka golaha fulinta waxaa isugu yeeri kara gudoomiyaha xisbiga, iyo golaha dhexe 

3. Guntanka kulamada gudiga fulinta waxuu ansaxayaa marka ay sedex meelood labo meel soo xaadiraan kulanka, 

4. Go-aan gaarista xubnaha gudiga fulinta waxay ku ansaxeysaa 3/2 sedex meelood labo meelood xubnaha gudiga fulinta markay is raacaan 

5. Goaanada lagu gaaro shirarka gudiga fulinta waxaa la marinayaa habraaca meel-marinta, hubinta, faafinta iyo keydka dukumentiga xisbiga iyadoo la qeexayo goobta, guntanka shirka, ujeedada, waqtiga iyo tirada ka soo qeyb gashay