NAGU SAABSAN
Xisbiga daryeel qaran wuxuu utaagan yahay ilaalinta madax- banaanida iyo jiritaanka dhulka, bada iyo cirka jamhuuriyada federaalka soomaaliya, hirgelinta sareynta sharciga dalka, dhowrida xaquuqda iyo karaamada muwaadiniinta soomaaliyeed, xoojinta nabada iyo soo celinta cadaalada bulshada iyadoo mar kasta la dhowrayo qiyamka shareecada islaamka iyo dastuurka dalka.
Xisbiga isagoo ka faa-iideysanaya qaladaadka siyaasadeed iyo kan maamul ee ay soo mareen xukuumadihii dalka soo xukumay, waxaa ka go-an inuu talada dalka ku saleeyo wadatashi iyo abuurida jawi is-aaminaad oo saldhig u ah wada shaqeyn.
UJEEDOOYINKA XISBIGA
1. Xoojinta iyo ilaalinta aragtida, himilada iyo howsha xisbiga si loo abuuro dowlad dimoqraaddi ah.
2. Diyaarinta hogaan siyaasadeed oo u horseeda dalka iyo dadka soomaaliyeed: –
i Midnimo iyo barwaaqo
ii Dimoqraadiyad iyo dowlad-wanaag ku salaysan saraynta sharciga
iii Tixgalinta xuquuqda iyo xoriyaadka muwaadiniinta soomaaliyeed
iv Ixtiraamka dhaqanka iyo qiyamka suuban ee umadda soomaaliyeed
v Kudhaqanka shareecada islaamka
vi Tixgalinta kala duwanaanshaha aragtida siyaasadeed iyo jinsi
3. Sare u qaadista wacyigalinta bulshada, kaqaygalka siyaasadeed.
4. Tixgalinta aragtida bulshada deegaanka, ururada bulshadarayidka, qurba-joogta soomaaliyeed iyo ganacsatada.
5. Dhisidda bulsho leh anshax wanaagsan iyo qiyam ku haboon.
6. Sare u qaadista dhaqaalaha, siyaasadda bulshada iyadoo aan loo eegin jinsi, dhaqan iyo aragti.
7. Kobcinta midnimo ku salaysan danaha iyo maslaxadda umadda soomaaliyeed.
8. Ilaalinta qaranimada, midnimada, amniga iyo danaha umadda soomaaliyeed.
9. horumarinta wax soosaarka gudaha, siyaasadda wax soosaarka gudaha iyo xoriyadda muwaadinka sida uu qeexay dastuurka KMG ee dalka.
10. Ilaalinta iyo hormarinta mabda’a awood qaybsiga sharci dajinta, fulinta iyo garsoorka.
11. Ilaalinta iyo hormarinta mabda’a awood qaybsiga saddexda heer dowladeed ee dastuurkeenu qeexay sida dowladda federaalka, dowlad goboleedka iyo dowladda hoose
12. Hormarinta caddaaladda bulshada, baabi’inta midab takoor ku aadan dadka laga tirada badan yahay iyo kuwa la hayb sooco.
13. Ilaalinta iyo sare uqaadista ka qayb galka go’aan gaarista gaar ahaan da’yarta, maamulka iyo qaab dhismeedka siyaasadeed ee dalka.
14. Ilaalinta xuquuqda aas-aasiga ah ee dadka baahida gaarka ah qaba iyo caruurta.
15. Hormarinta wax soosaarka warshadaha. Beeraha iyo adeegga iyadoo saldhig u noqonaysa casriyaynta waxsoosaarka dalka waxaana loo marayaa siyaasad iyo istaraatijiyad dheeraad ah.
16. Kobcinta baahiyaha aas-aasiga ah sida: –
i Waxbarashada
ii Caafimaadka
iii Hoyga iyo huga
iv Cuntada
v Daryeelka amni ee bulshada
17. Hirgalinta dastuur ilaaliya xuquuqda aas-aasiga ah ee muwaadinka.
18. Hormarinta maamul wanaagga, kahortaga ku xad gudubka awooda xafiiska.
19. Ilaalinta iyo dib u hagaajinta deegaanka.