FAAHFAAHINTA SHURUUCDA GOLAHA DHEXE 

1. Golaha Dhexe ee Xisbigu waxa uu ka kooban yahay 35 (sodon iyo Shan) xubnood oo lagu ansaxiyey Shirweynaha. Waana hay’adda ugu saraysa xisbiga inta u dhaxaysa labada shirwayne.

2. Xubinta Golaha Dhexe ee ay ku timaado xaaladaha ku xusan cutubka sedexaad, qodobkiisa 7aad ee xeerkan waxa loo buuxinayaa habka saamiga goboleedka gudiga heer gobol ee uu ka tirsanaa ayaa kusoo buuxinaaya mudo aan ka badnayn 45 maalmood iyagoo usoo gudbinaaya xoghayaha golaha dhexe ama ku-xigeenkiisa.

3. Xubinta cusub waxa ansixinaaya gudida fulinta ee xisbiga waa inuu xoghayaha guud qoraal rasmi ah ugu gudbiyaa Xafiiska Gudida Doorashooyinka Qaranka.

4. Shuruudaha xubinta golaha dhexe waa inuu

a. Yahay xubin buuxda oo xisbiga ah

b. da’diisu gaartay 25 sano

c. Bixiyaa qaaraanka ku waajibay xubinta golaha dhexe bilkasta

d. Aqoon ahaan waa inuu leeyahay ilaa dugsi sare