QEYBAHA XISBIGA

QEYBTA HAWEENKA

Hogaanka gender-ka iyo haweenka xisbiga daryeel qaran wuxuu tixgelinayaa haweenka soomaaliyeed inay kaalintooda ka qaataan socodsiinta hawlaha iyo maamulka xisbiga iyo  udhiibida dumarka  kaalimaha waaweyn ee dhinaca hogaanka siyaasada iyo maamulka dalka   

QEYBTA DHALINYARADA

Hogaanka Dhalinyarada xisbiga daryeel qaran wuxuu kaalin firfircoon ku leeyahay habsami usocodka hawlaha xisbiga wuxuuna qabanaya dhamaan hawlaha iyo shaqooyinka xisbiga intooda badan. 

Xisbiga daryeel qaran wuxuu muhiimada koowaad siinayaa dhalinyarada soomaaliyeed ee wax ku baratey dalka soomaaliya gudihiisa si ay u dhisaan dalkooda, wuxuuna fursadaha aysan qaban karin uga faa-iideynayaan qurba-joogta soomaaliyeed ee dibeda kunool.

HOGAANKA DHAQANKA

Xisbiga daryeel qaran wuxuu sameynayaa dibu-heshiisiin qaran iyo nabadeyn, isagoo xooga saaraya abuurida jawi is-aaminaad iyo kalsooni dhisida dhamaan bulshooyinka deegaanada soomaaliyeed, wuxuuna xisbiga fulinayaa qorshayaal mucayin ah oo ku saabsan isku xirka, abaabulka iyo wada shaqeynta  hogaanka dhaqanka soomaaliyeed.  

Xisbiga daryeel qaran wuxuu xoojinayaa awoodaha hogaanka dhaqanka sida boqorada, ugaasyada, salaadiinta, isimada, malaaqyada, nabadoonada iyo beel-daajayaasha soomaaliyeed, wuxuuna usameynayaa miisaaniyad gaar ah oo lagu xoojiyo nabadeynta iyo dibu- heshiisiinta.

QEYBTA QURBA JOOGTA

Qurba joogtu waa udub dhexaadka isku-xirka hawlaha xisbiga, waxay abaabulayaan kulamo dhaqaale aruurin, xaflado soo dhaweyn, safaro lagu taageerayo danaha xisbiga

Xisbiga wuxuu ku yeelanayaa wakiilo  loo magacaabayo dhamaan dalalka caalamka inta awoodiisa ah, kuwaas oo ay ku matali doonaan aqoonyahano isugu jira rag iyo dumar, iyagoo wakiil uga noqon doona xisbiga dalka ay joogaan.

WAKIILADA QURBAHA

AFRICA

Kenya

Ethiopia

South Africa

 

AMERICA/USA

  • Minnesota
  • Washington 
  • New York
  • Boston
  • Florida
  • Columbus 

EUROPE

  • Germany
  • Finland
  • Denmark
  • Sweden
  • Norway
  • Belgium
  • Netherland
  • France           

AUSTRALIA

Brisbane

Sydney

CANADA

  • Vancouver
  • Edmonton
  • Winnipeg
  • Toronto
  • Ottawa
  • Calgary

ASIA

  • Saudi Arabia
  • Qatar
  • UAE
  • Kuwait
  • Oman