UJEEDOOYINKA XISBIGA

1. Xoojinta iyo ilaalinta aragtida, himilada iyo howsha xisbiga si loo abuuro dowlad dimoqraaddi ah.

2. Diyaarinta hogaan siyaasadeed oo u horseeda dalka iyo dadka soomaaliyeed: –
          i. Midnimo iyo barwaaqo
          ii. Dimoqraadiyad iyo dowlad-wanaag ku salaysan saraynta sharciga
          iii. Tixgalinta xuquuqda iyo xoriyaadka muwaadiniinta soomaaliyeed
          iv. Ixtiraamka dhaqanka iyo qiyamka suuban ee ummadda soomaaliyeed
          v . Kudhaqanka shareecada islaamka
          vi.  Tixgalinta kala duwanaanshaha aragtida siyaasadeed iyo jinsi

3. Sare u qaadista wacyigalinta bulshada, kaqaygalka siyaasadeed.

4. Tixgalinta aragtida bulshada deegaanka, ururada bulshada rayidka, qurba-joogta soomaaliyeed iyo ganacsatada.

5. Dhisidda bulsho isku kalsoon o oleh qiyam iyo anshax wanaagsan.

6. Sare u qaadista dhaqaalaha, siyaasadda bulshada iyadoo aan loo eegin jinsi, dhaqan iyo aragti.

7. Kobcinta midnimo ku salaysan danaha iyo maslaxadda umadda soomaaliyeed

8. Ilaalinta qaranimada, midnimada, amniga iyo danaha umadda soomaaliyeed.

9. Ilaalinta iyo horumarinta wax soosaarka gudaha, siyaasadda waxsoosaarka gudaha iyo xoriyadda muwaadinka sida uu qeexay dastuurka kmg ee dalka.

10. Ilaalinta iyo hormarinta mabda’a awood qaybsiga sharci dajinta, fulinta iyo garsoorka.

11. Ilaalinta iyo hormarinta mabda’a awood qaybsiga saddexda heer dowladeed ee dastuurkeenu qeexay dowladda federaalka, dowlad goboleedka iyo dowladda hoose.

12. Hormarinta caddaaladda bulshada, baabi’inta midab takoor ku aadan dadka laga tirade badanyahay iyo kuwa la hayb sooco.

13. Ilaalinta iyo sare uqaadista ka qayb galka go’aan gaarista gaar ahaan da’yarta, maamulka iyo qaab dhismeedka siyaasadeed ee dalka.

14. Ilaalinta xuquuqda aas-aasiga ah ee dadka baahida gaarka ah qaba iyo caruurta.

15. Hormarinta wax soosaarka warshadaha. Beeraha iyo adeegga iyadoo saldhig u noqonaysa casriyaynta waxsoosaarka dalka waxaana loo marayaa siyaasad iyo istaraatijiyad dheeraad ah.

16. Kobcinta baahiyaha aas-aasiga ah sida:-
      i. Waxbarashada
     ii.  Caafimaadka
    iii.  Hoyga iyo huga
    iv.  Cuntada
    v.  Daryeelka amni ee bulshada

17. Hirgalinta dastuur ilaaliya xuquuqda aas-aasiga ah ee muwaadinka.

18. Hormarinta maamul wanaagga, kahortaga kuxadgudubka awoodda xafiiska.

19. Ilaalinta iyo dib u hagaajinta deegaanka.