QIYAMKA XISBIGA

  • Xisbiga daryeel qaran wuxuu leeyahay siyaasad qeexan oo uu doonayo inuu dalka ku hogaamiyo, taasoo ka tarjumaysa aragtida iyo qiyamka xisbiga, waxayna cabiraysaa farqiga iyo isbadalada siyaasadeed ee uu dalka soo maray tan iyo markii ay curatey jamhuuriyada Soomaaliya 1960 kii.

  • Xisbiga wuxuu badalayaa hab dhaqanka siyaasadeed ee dalka soomaaliya oo ku saleysnaa xukun militari, musuq-maasuq, qabiil iyo qabyaalad, isagoo ku xisaabtamaya waqtiga ka dhumay shacabka soomaaliyeed iyo taageerada ay beesha caalamka gelisey soo celinta nabada iyo dawladnimada soomaaliya, 

  • Xisbiga wuxuu fulinayaa qorshe siyaasadeed kaasoo saldhig u ah tiirarka iyo mabaadiida aas-aasiga ah ee ku dhisan talo wadaag, isu tanaasul, dimuqraadiyad, daah furnaan iyo isla-xisaabtan.